
Kulankan waxa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku wehelinayey Xubnaha Wefdigiisa iyo mas’uuliyiinta sare ee Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Kenya.
Dhanka kale, Masuulyiintii ka socday Beesha Caalamka ayaa isugu jiray: Safiirro, Safiir ku-xigeeno, Hay’adaha UN-ka, Madaxda Bangiga Adduunka, Madaxda Bangiga Afrika, iyo xubno sare oo ka socday Dalalka ay saaxiibka iskaashi leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa saaxiibada Somaliland u jeediyey khudbad taabanaysay qorshaha Xukuumadiisa ee ku aadan dhinacyadda: Horumarka, Nabbada, Dimuqraadiyadda, Dhaqaalaha iyo arrimaha mudnaanta u leh Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.
Dhinaca kale, saaxiibada Somaliland ee shirka ka soo qayb-galay ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku ammaanay ciidan beeleedyadii dhawaan ay Xukuumadiisu qaramaysay sida oo kalena ballan qaaday wada shaqayn tolmoon oo ku dhisan is-faham.iyo iskaashi.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland