Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa maanta magaalada Hargeysa ka daah-furay Shirweynaha Qaran ee La Dagaalanka Maydhaanka Lacagaha Sharci darrada ah.
Madaxweynuhu, isaga oo ka duulaya Himilada Qaran ee uu ku hoggaaminayo dalka ee la xidhiidha adkaynta Daah-furnaanta Maaliyadeed iyo la dagaallanka musuq-maasuqa iyo suurto-gelinta Somaliland leh suuqyo maaliyeed oo daahfuran oo la isku hallayn karo , waxa uu Munaasibadda ka jeediyey khudbad qiimo badan oo dhinacyo badan taabanaysaya.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay Xukuumaddiisa ka go’an tahay ilaalinta iyo kor-joogtaynta ku dhaqanka Nidaam Maaliyadeed oo waafaqsan shuruucda caalamiga ah, isla markaana la jaanqaadi kara nidaamyada casriga ah ee dunida ka hirgalay, waxana uu yidhi:
"Dastuurka jamhuuriyadda Somaliland ayaa na faraya ilaalinta ammaanka qaranka, iyo hirgelinta suuqa xorta ah, maalgashiga dibadda iyo gudaha, isla xisaabtanka, iyo daahfurnaanta. Sidaas awgeed, La dagaalanka maydhaanka lacagta iyo ka hortagga maalgelinta argagaxisadu waa waajib sharci ah."
Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Xukuumaddiisu ay
xoogga saarayso horumarinta Tayada iyo Daah-furnaanta Maamulka Maaliyadda, xoojinta Hantidhawrka iyo in la soo saari doono warbixinno joogto ah oo ka warramaya xaaladaha Maaliyadeed ee Qaranka JSL iyo heerka u hoggaansanaanta Shuruucda iyo Siyaasadaha maaliyadda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay in la dagaallanka Maydhaanka Lacagaha Sharci darrada ah iyo ka hortagga maalgelinta argagaxisadu uu yahay waajib saaran muwaadin kasta, hay’ad kasta iyo shirkad kasta oo reer Somaliland ah, waxana uu yidhi:
"Waa in aynnu dhammaanteen u hoggaansanno mabaadii’da daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka, isla markaana aynu hubinno in Nidaamkeenna Maaliyadeed uu ku dhisan yahay maamul wanaag kalsooni lagu qabi karo."
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in uu Shirkan Qaran uu bilow muhiim ah u yahay dadaalka aynnu ummad ahaan doonayno in aynnu isu kaashanno sidii aynnu Nidaamkeenna Maaliyadeed uga ilaalin lahayn fal-dambiyeedka iyo hab-dhaqannada wax u dhimaya, waxana uu yidhi:
"Waxa aynnu ka filaynaa in ay ka soo baxdo natiijo sees fiican u noqota dadaal qaran oo aynu ku dhisayno nidaam maaliyadeed hufan, lana jaanqaadaya halbeegyada caalamiga ah ee maamulka maaliyadda ee casriga ah. Si aynu u xoojinno koboca iyo adkaysiga dhaqaale ee Qaranka."