Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ku joogay dalka Kenya ayaa caawa kala qayb-galay Jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool dalka Kenya Munaasibad ballaadhan oo ay ugu dabaal-degayaan Xuska maalinta Qaranimadda ee 18 May, taas oo ka qabsoontay Magaalada Nayroobi.